War Deg Deg Ah: Col. Bare Hiiraale Oo La Ogolaaday Qodobadi Uu Doonayay Berina Ciidamadiisa Gudaha Ula Soo Galaya Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka naga naga soo garaaya iminka magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada goobweeyn gudaha u soo galayaan maalinimada beri ah magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa intaas waxa ay ku darayaan in ciidamada Goobweeyn wax alle waxay doonayeen la ogolaaday sidaasina leysku afgartay in la dhaqan geliyo dhamaan qodobadika soo baxay  heshiiski Addis Ababa, dhamaana ciidamada Goobweeyn iyo kuwa deegaanada kale ee nawaaxiga Kismaayo ku sugan ayaa dhamaantood beri gudaha usoo galayaan magaalada Kismaayo.

Weli waxaa socda wadahadalo dheeri ah oo u dhexeeya odoyaasha dhaqanka beesha Sade iyo Cabdiweli Sheekh Axmed lamana garan karo waqtiga wadahadaladooda ay  soo dhamaanayaan.

Waxaan hambalyo u direynaa Col. Bare Aden Shire, Col. Cabdi Cigaal iyo Dhamaan saraakiisha iyo ciidanka Goobweeyn, anaga oo ugu hambalyenayna GEESINIMADA iyo ADKEEYSIGA ay muujiyeen.

Waxii ka soo kordha warkan iyo qodobada heshiiska kala soco wararkeena dambe Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com