War Deg Deg Ah: Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) Oo Iscasilay.

0

Muqdisho (AGGM): La-taliyihii madaxweynaha ahaana afhayeenkii aqalka madaxtooyada Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa Warbaahinta Allgalgaduud Media u xaqiijiyay inuu xilkaas iska casilay.

Cabdiraxmaan Yariisow ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo sababta ka dambeysa iscasilaaddiisa.

Eng. Yariisow ayaa Wuxuu sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah oo soo kala dhexgalay isaga iyo madaxda sare ee dalka.

Isku soo wada duuboo Xilka la-taliyaha madaxweynaha iyo afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya wuxuu soo hayay muddo 12 bilood ah,
sidoo kale wuxuu xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda Soomaaliya, isagoo noqday wasiirka lacagta iyo wasiirka warfaafinta intii lagu jiray kumeel-gaarka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com