War Deg Deg Ah: Raaskambooni Oo Hadda Toogtay Suldaankii Guud Ee Beesha Shiikhaal

0

Kismaayo (AGGM): Waxaa hadda bartamaha Magaalada Kismaayo lagu toogtey suldaankii Beesha Shiikhaal,waxaana la sheegayaa inay dilkiisa fuliyeen ciidamo ka tirsan kuwa Maleeshiyaadka Raaskambooni oo ku lebisnaa direyska ciidamada Maleeshiyaadka Raaskambooni.

Alle ha u naxaristee Suldaan Caamir Cabdiraxmaan Cabdi Dhuux ayaa ahaa suldaankii Guud ee Beesha Shiikhaal,waxaana la sheegaya inay maalmahan isku muransanayeen Horjoogayaasha maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana suldaanka la dilay la shaaciyey inuu ka soo horjeeday qorshihii Fashilmay ee raysalwasaare Cabdiwali.

Suldaanka ayaa hadda lagu toogtey Maqaaxi ay dad badan ku buuxaan isla markaasna si toos ah loo arkayey kooxaha dilka fuliyey,waxaana la sheegay inay si caadi ah uga dhaqaaaqeen meeshii ay dilka ka fuliyeen iyagoo aan qabin wax cabsi ah,waxaana dilkani qayb ka yahay Hanjabaadihi ay jeediyeen Horjooge Axmed Madoobe, Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh & Danjire Afay.

Ugu dambeyntii Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni iyo kooxaha tageera ayaa la shaaciyey inay bilaabeen qorshe ay gudaha Magaalada Kismaayo kaga ugaarsanayaan dadka ka soo horjeeda fekerkooda,waxaana Suldaanka la dilay labadii maalmood ee la soo dhaafay hanjabaado culus uga imaanayeen  Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com