War Deg Deg Ah+Dhageyso: Shacabka Taleex Oo Xaqiijiyey Allgalgaduud In Somaliland La Wareegtay.

0

Garoowe(AGGM) Shacabka ku dhaqan Degmada Taleex ee Gobolka Sool ayaa warbaahinta Allgalgaduud oo khadka telefoonka kula xariirtey u xaqiijiyey in Ciidamada Somaliland ay la wareegeen degmada Taleex isla markaasna dhamaan ciidamadkii iyo madaxdii Khaatumo ka baxeen Magaalada Taleex.

Sidoo kale goob joogahan oo warbaahinta Allgalgaduud u waramay waxaa uu sheegay inaysan jirin wax dhibaato ah oo shacabka iyo ciidamada labada dhinac soo kala gaaray,waxaana uu sheegay in shacabka Degmada Taleex mudahaarad kala hortageen ciidamada Somaliland taasi oo sababtay inay ciidamada Somaliland rasaas u adeegsadaan dadka shacabka ah balse aan dhibaato ka dhalan.

Sidoo kale waxaa goobjoogahani sheegay in ciidamada Somaliland hadda fariisin ka dhigteen Geedkii Bardaha ee lagu soo dhisay Maamulka Khaatumo,waxaana la sheegayaa inay halkaasi shir uga socda Saraakisha ciidamada Maamulka Somaliland ee halkaasi la wareegay.

Ugu dambeyntii waxaa la sheegaya in ciidamo badan oo ka socda dhinaca Puntland iyo khaatumo wadaan qorshe dagaal oo culus kaasi oo la sheegayo inay ka bilaabeen jiido badan oo ku teedsan gobolka Sool,waxaana laga cabsi qabaa in dagaalo lagu hoobto dhinacyada is hayaa ku dhexmaraan degaanadaasi.

Halkan ka dhageyso:

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com