War Deg Deg:- Soomaaliland oo la Wareegtay Degmada Taleex

0

Breaking_NewsGaroowe(AGGM) War hada soo dhacay ayaa sheegaya in Ciidanka Soomaliland ay la Wareegeen Degmada Taleex ee Gobolka Sool, iyadoona Halkaas aysan ka dhicin wax iska Hor Imaad ah.

Sida ay inoo Xaqiijinayaan Wariyayaal ku Sugan Taleex Ciidamo gaashaaman oo Soomaaliland ka tirsan ayaa Degmada Taleex la Wareegay, iyadoona Ciidamada Soomalailand ay Rasaas ku kala Cayriyeen Dad Banaanbax kala Hortagay.

Lama Saadaalinkari Xaalka, waxaana Wararkii ugu dambeeyay ee Taleex naga soo gaaraya ay sheegayaan in Xaalku daganyahay, iyadoona Dadku ay Cabsi ka qabaan in lugu dul Dagaalamo.

Puntland wali Wax wara masoo saarin oo ku Aadan xaalada Degmada Taleex ee Gobolka Sool ee Soomaaliland la wareegtay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com