Wasiir Dhuxulow:Al-shabaab hada xukuumada ayay isku soo dhiibayaan

0

Wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay in weerarada ay qaaden ciidamada midowga Africa AMISOM iyo kuwa qaranka Soomaaliya ay ugu dambeentii horseedi doonan in laga awood roonado dhaq dhaqaaqa Al-shabab.

Wasiir Dhuxulow oo wareysi siinayay Xarunt Walt ee warfaafinta Ethiopia ayaa sheegay in guulo laga gaaray dagaalamayaasha Al-shabaab,waxa uu sheegay in nafsad ahaantooda ay isku soo dhiibaayan xukuumada,waxana sidoo kale uu muujiyay in kuwa kale e harayna laga awood roonan doono.

Hadalkiisa waxa uu intaasi ku daray in tiro yar oo Al-shabaab ay weeraro ka wadaan Muqdisho kuwoodi ugu badnaana laga badin doono goor dhow.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya waqti ay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ay ka soconayaan Koonfurta iyo bartmaha dalka.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com