Xabsiyada Kismaayo Dadkii Heyb Ahaanta Looga Buuxshay Oo Weli Xiran Iyo Odayaal Dhabana Gudaha Kismaayo Iskaga Dhunkaday.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in magaalada Kismaayo lagu qabtay shir dib u heshiisiin ah iyo wadhadal oo u dhexeeyay beelaha Sade Iyo Kablalax.

Shirkan ayaa sidoo kale waxaa goobjoogeyaal ka ahaa laba wasiir ku xigeen oo ka mid ahaa wafdigii la socday horjooge Cabdiweli Sheekh Axmed.

Shirkan ayaa waxaa laga soo saaray qodobo dhoowr ah oo sid la sheegay ay isku afgarteen odayaasha dhaqanka Beelaha Sade iyo Kablalax.

Waxaa buux dhaafay oo ciir ciiraya xabsiyada magaalada Kismaayo kuwooda la yaqaan iyo kuwa ay sida gaarka ah u leeyihiin Macalin Maxamed iyo Gen. Darwiish oo ay ku xiran yihiin dad heeybta ay ka soo jeedaan awgeed ugu xiran, mana ay jiraan cid ka hadashay amaba isku soo qaaday intii ay odayaasha ku sugnaayeen madasha shirka.

Shirkan leeysugu keenay beelahan ee uu soo abaabulay horjooge Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa haba yaraato’e waxaan looga hadlin dadka rayidka ah ee sida gardarada ah ugu xir xiran xabisiyada magaalada Kismaayo iyo xabsiyada sida gaarka ah ay u leeyihiin Macalin Maxamed Iyo Gen. Darwiish.

Dhinaca kale Waxaa shaki weyn laga muujinayaa arinta ah marki laba kooxood ama dad is haya leeysu keenayo ama la wada hadalsiinayo, soo ma haboona sida caqliga fiyoobi uu dhigayo in dad dhex dhexaad ah ay galaan arintooda, wasiiro ku xigeenada ku sugan madasha shirka Kismaayo dhex dhexaad ma yihiin? deegaanka lagu qabanayo ma yahay deegaan ay odayaasha labada dhinacba dareemayaan inay fikirkooda ka hadlaan si xor ah, yeelaana waxay doonayaan amaba diidaan waxaysan doonayn?

Isku soo wada duuboo Shirkan ka socda magaalada Kismaayo ayaa waxa uu muuqdaa mid hadda dhabanada leeysaga dhunkanayo balse aysan waxba ka jirin dhunkashadaasi, xaqiiqda jirta ee dhabta ahna ay dhawaan soo bixi doonto islamarkaana dhabano iska dhunkashadan beenta ah ee uu soo abaabulay Horjooge Cabdiweli Sheekh Axmed-na ay soo dhamaan doonto.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com