Xildhibaan saakay lagu qarxiyey Muqdisho

0

Muqdisho(AGGM):Xildhibaan Isaaq Maxamed Cali oo ka tirsanaa barlamaanka Soomaaliya ayaa saakay lagu qarxiyay miino loogu xiray gaarigii uu lahaa.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay degmada Xamarweyne,xildhibaanka ayaa la xaqiijiyay in uu geeriyooday.

Majirto cid si rasmi ah u sheegatay qaraxaasi.

Mid kamid ah xildhibaanada barlaamaanka ayaa la sheegay inuu la socday xildhibaankii dhintay balse uu dhawac kaliya kasoo gaaray qaraxaasi.

Wixii kusoo kordha goor dhow ayaan idin soo gudbin doonaa in sha alaah.