Xog: Dablaydii Dishay Suldaan Caamir Suldan Cabdiraxmaan Oo Afmadow La Geeyey

0

Kismaayo(AGGM) Sida warbaahinta Allgalgaduud ka helayso Magaalada Kismaayo ee xarunta jubadda hoose ayaa shaacinaya in dablaydii shalay sida naxariis darrada ah u dilay Suldaan Caamir Suldaan Cabdiraxmaan xalay loo qaaday dhinaca Degmada Afmadow ee gobolka Jubadda hoose ka dib markii ay dilkaasi fuliyeen.

3-da Nin ee dilka fuliyey ayaa la sheegay inay shalay markii ay dilka toogashada ah ku fuliyeen Suldaan Caamir ay u baxsadeen dhinaca Madaxtooyadda Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana la sheegay in isla xalay loo gudbiyey degmada Afmadow ee Jubadda hoose halkaasi oo ay ku xoogan yihiin maleeshiyaakda raaskambooni & ciidamada dawlada kiiniya.

Mid ka mid ah Shaqaalaha Maleeshiyaadka Raaskambooni oo ka hawlgala Xarunta Madaxtooyadda Axmed Madoobe oo warbaahinta Allgalgaduud u waramay isla markaasna ka gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa u xaqiijiyey Allgalgaduud inay 3-doo askari ee dilka toogashada ah ku fuliyey Suldaan Caamir loo qaaday dhinaca Degmada Afmadow ee jubadda Hoose.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in nimanka dilka geystey ay ehelo dhaw yihiin  Cabdinasir Seeraar Maax oo sheegta inuu yahay afhayeenka Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana la sheegay in sababta nimankaasi magaalada loga saaray tahay inay dadka Magaalada Kismaayo si toos ah u arkayeen markii ay dilka toogashada ah fulinayeen,waxaana la sheegay in wajiyadooda caadi loo arkay isla markaasna caadi loo aqoonsaday.

Ugu dambeyntii maaha markii kowaad ee Maleeshiyaadka Raaskambooni horjoogayaashoodu soo abaabulaan dilalka qorsheysan ee ka dhaca Magaalada Kisamayo isla markaasna la beegsadaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Kismaayo,waxaan dilka suldaanku ahaa mid aad looga wada naxay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com