Xog Dhab Ah: Suldaan Caamir Cabdi Dhuux Yuu La Kulmay 10-kii Daqiiqo Ee Noloshiida U Dambeysay?

0

Kismaayo(AGGM) Alle ha u naxariistee Suldaan Caamir Cabdiraxmaan Cabdi Dhuux oo maanta si arxan darro ah ay gudaha Magaalada Kismaayo ugu toogteen Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa la sheegayaa inuu shirqoolkiisa ka dambeyey Horjoogaha Maleeshiyaadka Raaskambooni Axmed Madoobe,waxaana la sheegay in Suldaanka saaka uu soo wacay Axmed Madoobe isla markaasna doonayey inuu kala hadlo arrimaha ka taagan goboladda Jubooyinka.

Sida la wada ogsoon yahay Suldaan Caamir Cabdiraxmaan Cabdi Dhuux waxaa uu ka mid ahaa Waxgaradka Sida weyn uga soo horjeeday Arrimaha Maleeshiyaadka laga soo aruuriyey Kilinka 5.aad & Gaarisa Gubaay ay ka wadaan Magaalada Kismaayo,waxaana sidoo kale Suldaanku ahaa nin jecel nabadda & Soomaalinimadda.

Intuusan Geeriyoon Suldaanku saaka waxaa u yeeray Axmed Madoobe si uu ugala hadlo ciidamo badan oo beesha suldaanka ka soo jeeda isla markaasna ku sugan degaanka Goobweyn sidii looga soo kaxeyn lahaa meesha ay ku sugan yihiin,waxaana uu suldaanku la sheegay inuu diidmo cad kala hor yimid Horjoogaha Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana la sheegay inuu Suldaanku daboolka ka qaaday inay ciidamadaasi yihiin ciidamo Soomaaliyeed isla markaasna ay iyaga u taal hadii ay kismaayo imaanayaan iyo hadii ay halkooda ku sii sugnaynayaan.

Intaasi ka dib waxa la sheegay in Axmed Madoobe & Suldaanku is af dhaafeen isla markaasnja Carro ku soo kala tageen,waxaana la shaaciyey in Axmed Madoobe Xaruntiisa Madaxtooyadda laga soo direy 3 nin oo laba ka mid ahi ku hubeysanayeen qoryaha AK47 halka ninka dilka fuliyeyna uu ku hubeysnaa Bistoolad.

Suldaan Caamir Cabdiraxman Cabdi Dhuux waxaa la dilay 10 daqiiqo ka dib markii uu ka yimid kulankii ay wada yeesheen Axmed Madoobe,waxaana la sheegay in ciidamada dilay Suldaanka hore loo sii diyaariyey ay ka kor kala socdeen suldaanka iyo kulanka Axmed Madoobe,waxaana la sheegay in markii is fahan waa isaga Iyo Axmed Madoobe kulankoodu ku soo dhamaaday ciidamadaas lagu amray inay hawshooda qabsadaan taasi oo keentey in Suldanka la toogto.

Goob Joogayaal ku sugnaa ayaa shaaciyey in Suldaanu uu dareemayey Xanuunka dhiig karka markii ay isku xanaaqeen Axmed Madoobe,waxaana la sheegay inuu ku leexday farsami uu daawada Dhiig karka ka iibsanayeyn,waxaana la sheegay in nimanka Suldaanka laga soo daba direy ay ku sugayeen banaanka hore ee Farmasiga,waxaana la sheegay in Ninkii Bistooladda ku hubeysnaa uu rasaas la dhacay suldaanka halka kuwii kale ee ku hubeysnaa qoryaha ay dadka kala baacinayeen.

Ugu dambeyntii dilka Suldaanka Caamir ayaa la sheegayaa inuu lugaha la galay Raisalwasaare Cabdiweli Shiikh Axmed,Maxamed Cabdi Afay & Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana la shaacinayaa in shacabka Magaalada Kismaayo si toos ah u xaqiiqsadeen saaka dhibaatada ka taagan goboladda Jubooyinka ay ka wadaan Maleeshiyaadka Raaskambooni ee laga soo daabulay kilinka 5-aad & Gaarisa Gubaay oo ay waligood gumeysi kaga noolaayeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com