Abaar Ka Taagan Dhoobleey

0

Dhoobleey(AGGM) Degmada Dhooblay ee gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa ka taagan abaar aad u kulul, iyadoo lagu soo waramayo in xaalad nololeed oo aad u liidata ay halkaas ku haysato boqolaal qoys oo danyar ah.

Kooxda Raaskambooni ayaa ka codsaday in hay’adaha samafalka ay wax ka qabtaan abaaraha halkaas ka taagan, iyagoo ugu baaqay in dadka nafaqo darada ay soo ridanayso ay la soo gaaraan daawooyin iyo cuntooyin.

Gudoomiha Dhooblay Qeex Maxamed ayaa baaq sidaas lamid ah u jeediyey hayadaha,wuxuuna sheegay in xaaladu ay marayso meel adag.

Qoysaskii ku noolaa dhoobleey qaar kamid ah ayaa lagu soo waramayaa inay u qaxeen dhinaca xadka Kenya gaar ahaan xeryaha qaxootiga dhadhaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com