Akhri: 5 Qodob Oo Nabada Caabudwaaq Lagu Dhiso Karo

0

Maqaal: Akhriste wada noolaashaha iyo isgarabsiga walaalaha iyo bulshooyinka wada dhashay waa muhiim, waana mid diiniyan waajib nagu ah maadaama aanu nahay umad Muslim ah. Tannoo bulsha kasta oo bulaashay ay ku horumartay ama ay ku gaartay horumarinta dhaqan dhaqaale guud iyo gaar ahaaneed.

Maadaama ay taasi tahay tiirka ugu wanaagsan ee aanu isku garabsan karno maxaa inoo diiday haddii ay nahay umada degan degmada Caabudwaaq inaan wadadaas qaadno.Anigu waxaan ogaa Caabudwaaq oo umada degan ay yihiin ul iyo diir, hal caddow leh, hal saaxiibna leh, magaalada waxa ay martigelin jirtay Soomaali oo dhan min Burco, Hargeysa, Boosaaso, Gaalkacyo, Dhuusamareeb, Beledweyne, Xamar iyo Killinka shanaad.

Faaladan waxaa jeclaan lahaa inaan diirada ku saaro xalka ku aadan sida dhibaatada maanta Caabudwaaq ka dhacday looga gudbi karo, ayna walaalaha isku uur xaaran karaan. Waxaana si fudud ugu qodobeeyay sidan.

1. Reer Caabudwaaq waxaa daw u ah inay dhistaan gole dhaqan oo tiir u ah hanuuninta bulshada iyo jiilka yar yare e qoriga dabada haye. Tusaale ahaan deegaanada Soomaalida ee nabada ay ka hana qaatay waxaa fakaray odayaashoodii oo isku meel uga soo wada jeestay wixii xumaan ah, aaway odayaashii iyo gamaahiirtii Caabudwaaq ee caqliga u saaxiibka ahaa

2. Reer Caabudwaaq waxaa daw u ah inay dhistaan Maamul, iyo  caddaalad ama garsoor adag oo umada ku kala saaro xaqa, kii xaqdaro wadana qabta una gudbiya laamaha amniga ee maamulka. Illahay waxaa jecelyahay qoomkii caddaalad isku maamula, umada la degana kula dhaqma.

4. Reer Caabudwaaq waxaa daw u ah inay helaan hayad warbaahin oo ay leeyihiin umada deegaankaas ka soo jeeda sida Radio FM ah oo caabudwaaq kaliyah ka hadasha, si umada ay nabada iyo walaaltinimada ugu booriso. Wax magardkana u barto in nabadu ay dan u tahay isaga iyo carruurtiisa. Hadda waxaanu haysanaa website muhiim ah sida ALLGALGADUUD oo kale balse umada gudaha dhamaantood fursad uma heli karaan inay aqristaan balse idaacadaha si fudud ayay u dhagaysan karaan.

5. Reer Caabudwaaq waxaa daw u ah in ay nabada dhisaan si jaalliyadaha dibada ee aan anigu kamid ahay iyo shacabka jaaliyadaha Qurbajoogta ay dalkii ugu soo laabtaan una maalgashadaan.

Walaal wixii kale ee aan hilmaamay hoos uga dar. Walaal waad i sixi kartaa waadna i qaban kartaa haddii aan wax qaldan sheegay.E-mailkayga waa:  dalalwarsame@gmail.com

Dalal Warsame Cadde

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com