Akhri Xog Muhiim Ah: Wasiirada Horjooge Axmed Madoobe Oo La Siiyey Digniin Inaysan Guryahooda Ka Soo Bixin Kaddib Markii Amaankooda La Sugi Waayay

0

Kismaayo (AGGM) Tan iyo markii ay soo baxeen qaraxyo lala eeganayo wasiiro ka tirsan kooxda Raaskambooni ee Horjooge Axmed Madoobe ayaa waxaa jirtay digniino ay dirayeen kooxda horjoogaha ugu qeybsan amaanka kuwaasoo oo kula taliyey inaysan guryahooda ka soo bixin inta wax laga qabanayo amaandarada Kismaayo.

Sida aad xusuusataan qaraxii ugu darnaa ayaa waxaa lala beegsaday guriga uu dagnaa mid ka mid ah horjoogayaasha Raaskambooni Iftiin Xasan Baasto, oo qaraxaas ka badbaaday balse ay wax ku noqdeen eheladiisii.

Dhawaan waxaa jirtay in deeganka Cabdil biroole ay howlgal u aadeen kooxda maleeshiyada Raaskambooni balse ay dhagaha ku soo dhufteen Alshabaab, oo ka soo awood roonaaday. Magaalada Kismaayo hareeraheeda, qeybon kamid ah lafsad ahaanteeda, inta u dhaxeysa Afmadoow iyo Kismaayo, Afmadoow iyo Dhoobleey, Afmadoow iyo Hoosingow iyo dhul kale oo badan ayaa waxaa ka taliya Alshabaab.

Fashilka dhinaca amaanka ah ayaa waxaa la filayaa inuu ka dhashay kaddibmarkii ay kooxda Raaskambooni kasban wayday kalsoonida bulshada Jubbooyinka, kuwaasoo oo ay ku hayaan cagajugleyn, dilal qorsheysan, baad iyo qori caaradiis.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com