Al-shabaab oo ganacsato qaad ku dilay Hiiraan

0

Labo ruux ayaa xalay lagu dilay deegaan lagu magacaabo Biyo-madoobe oo ka tirsan Gobalka Hiiraan, hoostagana Degmada Buulo burde ee Gobalkaasi, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmada Buulo Burde.

Dilka labadaasi ruux ayaa wuxuu ku eedeeyay Guddoomiyaha Degmada Buulo burde ee falaagada Al-Shabaab, waxaana uu sheegay in labada ruux ee xalay la dilay ay ahaayeen dad ganacsato ah.

Axmed Cabdi Wehliye, Guddoomiyaha Degmada Buulo burde, ayaa wuxuu sheegay in labada ruux ee la dilay ay ahaayeen dad ganacsato qaadka ka keeni jirtay Magaalada Beladweyne, Al-Shabaabna ay ka dambeeyaan dilkooda.

Sidoo kale Guddoomiyaha, ayaa wuxuu xaqiijiyay in meydka labadaasi ruux ay qaateen Al-Shabaab, ayna wateen gaarigii ay wateen labadaasi ruux, inkastoo uusan soo bandhigin magacyadooda.

Sababta uu ugu eedeeyay Al-Shabaab ayaa waxa ay tahay in dhawaan dagaal uu dhexmaray ganacsato qaadka ka keenta Beladweyne iyo Rag Al-Shabaab ah oo wadada isku helay, halkaasina uu ka dhashay dagaal dhexmaray ganacsatada iyo Al-Shabaab, taasi oo uu sheegay inay ka dhalatay cadaawada ay u qaadeen ganacsatada qaadka.

Dhawaan ayeey aheyd markii Al-Shabaab ay duleedka Buulo burde ku gubeen gaari qaad waday, kaasi oo kusoo jeeday Magaalada Buulo burde.