ALLOW AL-SHABAABKEENA NOO DAA!!! Qore Wariye Abuukar AL-badri

0

Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya waxaa ka dhaca dilal xanuun badan oo ay adag tahay in qofka loogu fasiro in ay si gar ah u dhaceen. Dilalkaasi sida loo soo qorsheeyey mugdi badan ayaa ku jira, cidda fulineysa wax badan lagama oga, balse Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegata marka dilka uu ku dhaco qof iyaga ay cadowgooda u arkaan, tani way dhacdaa xitaa haddii aysan iyaga dilka ku luglaheyn, balse siyaasad ahaan ayey uga faa’iideystaan.

Dhinacyo badan oo wax dila ayaa laga yaabaa in ay joogaan Muqdisho kuwaas oo aysan ka marneyn mooryaan beeleed, tuugo qoriley, qawleysato majo xun iyo xitaa in aan la dhayalsan karin gacmo shisheeye oo walaalaheena ah.

Aniga oo dilalka la yaaban ayuu haatuf ii yimid, wuxuu i horkeenay labo wiil oo sheekeysaneysa, wiilasha waa mooryaan, mooryaan tuugo-saqajaan ayey ka yihiin, isbaariistayaal ayeyna ka sii yihiin, dilayaal ayey ka sii yihiin.

Magacyadoodu waa Maquuste iyo Magafe, da’doodu waa 20 jiryaal, inta ay hana qaadeenna wax wanaag ah meysan sameyn marka laga reebo in habeen iyaga oo baaranaayo islaan waayeel ah, balse kufsina madaxooda ku jiro ay sheedda ka arkeen dad socda, taas oo keentay in ay islaantii iska daayaan kaddib markii ay ka qaateen wixii ay wadatay. Magafe iyo Maquuste waxaa dhex martay sheekadan:

Magafe: Waligaa asxaan ma sameysay Maquustow?
Maquuste: ma ogi, laakiin qof nool ayaan ahaye asxaan la’aan ma jirto, balse dad aan u sameeyey ma aqaano.
Magafe: Yaad u sameysay haddii aadan dad u sameyn?
Maquuste: Markii aan jiifi jiray jidka Baar Ubax, habeen ayaan xasuustaa Eey aad u baahan aan arkay, akal (reereebka maqaayadaha) ayaan heystay, markii uu iga tagi waayey ayaan lafo u tuuray.
Magafe: aniga waligey asxaan ma sameyn, balse hal mar ayaan sameeyey, nin aan dili rabay ayaan arkay isaga oo masaakiin raashiin u qeybinaayo, maalintaas waan ka qalleeyey, 2 maalin kaddib ayaan uga dhigay dilka, kaddibna waan ku tagay.
Maquuste: Qaraabkaaga iiga waran maalmahaan, tirade aad dishay meeqey maree, kolley caruur badan waad agoonteysee?
Magafe: Aniga in badan dad waan cunay, balse adiga kuma gaaro?
Maquuste: Aniga i gaar maan ku dhahay, ha isku key misaalin yaanan adiga kunka kugu xirine.
Magafe: Kun kaliya maad dishay? Ma adiga ayaa war haya, 10-ka kun ayaan kugu xiraayaa wallaahi.
Maquuste: Aakhira war ayaa ku heysta, 10 kun horta ma dishay, sida aad dhabarka ugu wada qaadi doontid marka faraska lagaa dhigo ayaa la yaabanahay.
Magafe: Malaha adiga ayaa roog gudduudan ku sugaayaa, wallee qofkii aad isku saf noqotaan xisaab adag wuu isku hubaa.
Maquuste: Habeenadan dilka maxaad isaga deysay, xaafadaada nabad nabad ayey u ekaatay way soo fool xumaaneysaa, xaafadda kuuma shidno, dadka yeysan kugu il bixin saaxiib, dilka joogto ka dhig?
Magafe: Wax nuur leh oo la dilo ma leh, dhoocilaha cajiinka loo soo diray maan dilaa, nin galabtii kaddib gurigiisa ka soo bixi kara ma leh?
Maquuste: Waligaa inta dad aad disho waysay, dameer lamiga iska taagan ma dishay?
Magafe: Maya! Bistooladda waan ku tijaabsaday, balse kas uma dilin.
Maquuste: Sideed isku qarisaa marka aad qof disho, waan yaabay, todobaadkii dhawr mar ayaad dad dishaa, laguna soo qabtee.
Magafe: Qabasho, yaad i mooday, qabasho ku lahaa, waan dilnaa waan ka soconaa, waan dilnaa way sheegtaan, waan dilnaa waa la furdaamiyaa, waan dilnaa la isma waydiiyo, waan dilnaa way naga baqaan, waan dilnaa way iska duugtaan, ma iyadaa dhib leh.
Maquuste: Weligaa xildhibaan ma dishay?
Magafe: Allow Al-Shabaabkeena noo daa, Ilaahow noo xafid, la’aantood maan xildhibaan dili kari lahaa, xildhibaanka dhag iska sii, kaddibna Abuu Mucaad miyuu ahaa wadaadkii, isagaaba iska sheeganaayo, adigana beledkaaga iska gal waaye.
Maquuste: Waa Abuu Muscab, xiriir maa la leedahay?
Magafe: Maya, waxa aan dilno haddii ay anfacaan ayuu sheegtaa, wuu na ceeb tiraa, Cali Dheere-na sidoo kale, labadaba waa rageedii.
Maquuste: Aniga kaligey ayaan isu maleynaayey in ay waxayga sheegtaane, adigana ma sidoo kale ayey kuu sheegtaan COPY RIGHT-ka dhawra dheh.
Magafe: Adiga qof Dawladda meel kaga xiran uun wax yeel, inta aadan goobtaba ka baxsan waaba la sheegtay, marka aad meel laab ah istaagto waxaad maqlee Al-Shabaab ayaa sheegatay, niyadda ayaa kuu degeyso, waan u duceeyaa mar walba.
Maquuste: mid ogow! Jihaad ayaan ku wada jirnaa anaga iyo iyaga saaxiib, marka aad disho qof ay murtad u arkaan adiga sidaas ayaadba Mujaahid ku noqotay, iyagana sidaas ayey ku sheegtaan, Jihaadka ajirkiisana wuxuu kaaga horreeyaa aakhiro.
Magafe: Magaca aakhgiro sheekada mar dambe haku soo darin, meeshaas ma u socdo aniga!
Maquuste: caawo yaa kuu qorsheysan in aad disho?
Magafe: Xildhibaan Maroodi iyo Sarkaal Abeeso-ruuge ayaa ii qorsheysan, adigana?
Maquuste: Nin yahow in aan naag guursado ayaan rabaa, inta aan ka aroosaayo qof ma dilaayo, todobada marka aan ka baxo Ayaan bilaabayaa dilalka.
Magafe: Dilaa dilaa dhalay iga dheh, gabadha foosha kula dhibtoon doonto canug aad dhashay ayaa iigu daran, wiil ahaan ayey u dhunkan doontaa, markaas ayuu dadka leyn doonaa marka uu 10 sano gaaro, xilligiisana nin waxa uu dilaba horey ka sheegto lama weyn doono.
Magafe iyo Maquuste ugu dambeyntii waxay u duceeyeen afhayeenada Alshabaab ee sheegta wiixii ay dilaanba, iyagoo u arkay in ay siiyeen fursad ay dilalkooda qorsheysan ku sii wataan, marnabana aan laga shakin, markii laga shakiyo xildhibaano soo furdaamiyo ayey heystaan, iyagana way u duceeyeen, odayaasha dhaqanka ee markii la xiro ka daba tagana waxay ugu duceeyeen inuu Ilaah wiil la’aan dhigo balse iyaga muddo iska noolaadaan.
Ma ogi sababta uu haatufkii u baxay intaan kaddib, hadalkii ayaaba dhammaday, aan is cafino Ayaan ku so af meeray.
Saado Cali Warsame, xildhibaanad, Fanaanad, geesiyad qaran, oo aheyd qof astaan u ahayd ku midtidka wadaniyadda ayaa manta lagu dilay Muqdisho, waxaan Ilaah uga baryaayaa inuu qabrigeeda u nuuriyo… aamiin