Alshabaab Oo Cafisay Maxaabiis

0

Baraawe (AGGM) Kooxda Alshabaab ayaa maanta sida ay sheegeen cafis u fidiyey maxaabiis gaaraya ilaa 5 nin oo ku xirnaa xabsiga Baraawe oo ay Alshabaab maamusho.

Guddoomiyaha Alshabaab ee gobolka shabeellada Hoose Maxamed Abuu Cabdalla ayaa hadalkaan u sheegay warbaahinta, isagoo tilmaamay in raggan lagu cafiyey munaasabada ciida darted.

Ragga la sii daayay ayaa waxa ay kala yihiin Idriis Ibraahim Sheekh Cabdi,  Cabdullaahi Muuse Xasan, Xuseen Maxamad Awal, Xassan Cali Cuamr, iyo Axmad Jeylaani Siimbaaw, waxaana loo haystay inay galeen dambiyo xukunkoodu u dhaxeeyay sannado ilaa bilooyin.

Ma ahan wax caadi ah in Alshabaab ay cafiso maxaabiis balse tillaaban ayaa noqonaysaa mid aad uga yaabisa umada Soomaaliyeed oo aan Alshabaab uga barinin wax naxariis ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com