Dhageyso: Alshabaab Oo Ka Cararay Qansaxdheere

0

Qansaxdheere (AGGM) Maxamed Cismaan Caracas oo ah gudoomiyaha degmada Bardaale ee Baay ayaa sheegay inay Alshabaab faarujiyeen degmada Qansaxdheere.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Alshabaab ay ka carareen deegaankaas kaddibmarkii ay ogaadeen in howlgal adag uu ku wajahanyahay.Wuxuu sheegay inay u carareen dhinaca degmada Diinsoor.

Qansaxdheere ayaa mudd farsiin u ahayd Alshabaab.Wuxuu sheegay guddoomiyaha inaysan ka hareynin Alshabaab oo ay baacsanayaan inta ay kala wareegayaan degmada Diinsoor oo ah halka ugu dambaysa gobolkaas oo ay gacanta ku hayaan.

Magaalada hadda kuma jirto gacanta AMISOM iyo kuwa Dowladda iyo tan Alshabaab toona.

Dad badan ayaa iswaydiinaya su’aasha ah sababta ay Alshabaab isaga baxaan deegaanada kale halka ay ku dagaalamaan deegaanada Gedo oo aysan si fudud uga bixin.

Halkaan ka dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com