Dhageyso: Alshabaab Oo Weeraray Saldhig Raaskambooni Ee Kismaayo Iyo Amaanka Oo Faraha Ka Baxay

0

Kismaayo(AGGM): Wararka saaka naga soo gaaraya Kismaayo ayaa sheegaya in weerar toos ah ay xalay saldhig ku yaalla bartamaha Kismaayo ku qaadeen koox ka tirsan ciidamada Alshabaab. Ugu yaraan saddex kamid ah Maleeshiyada Raaskambooni ayaa halkaas uu dhaawac ku soo gaaray.

Weerarkaan oo 2dii iyo 20 daqiiqo ahaa ayaa xalay ka dhacay saldhiga oo ku yaalla warshada hilibka waxaa garab socday madaafiic lagu garaacay xarunta nabadsugida, waxaana Alshabaab ay si kooban ula wareegeen goobtaas.

Iskahorimaadkan ayaa imaanaya xili Axmed Madoobe iyo kooxdiisa Raaskambooni ay faro ku gabadyihiin, waxaana magaalada Kismaayo isaga baxay shaqaalaha gargaarka, iyadoo shalay wafti magaalada gaaray oo ka socday midawga reer Yurup ay walaac ka muujiyeen amaandarada ka taagan Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ayaa waxa ka dhacay inkabadan 5 weerar muddo asbuuc ah, iyadoo la iswaydiinayo xaalka sida uu ku dambeyn doono maadaama ciidamada tabarta yare e Raaskambooni ay ku dhawyihiin inay kala firxadaan.

Halkaan ka dhageyso sida ay wax u dhaceen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com