Alshabaab Oo Weerartay Maleeshiyada Raaskambooni Deegaanka Shabaax Jubada Hoose

0

Jubada Hoose (AGGM)  Sida ay sheegayaan wararka aanu ka helnay gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in dagaal Culus uu dhexmaray maleeshiyada Raaskambooni iyo kooxo ka tirsan Alshabaab. Lama oga khasaaraha rasmiga ee halkaas ka dhashay.

Deegaanka uu dagaalka dhacay oo lagu magacaabo Shabaax ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa Dhoobleey iyo Afmadoow waxaana uu yimid kaddib markii Saldhig Ciidan oo ay ku leeyihiin maleeshiyada Raaskambooni weerar lagu ekeeyay.

Xaalada deegaanka lagu dagaalamay ayaa wali ah mid kacsan waxaana jihawareer uu ku yimid maleeshiyada Raaskambooni oo si fircad ah isku uruursanaya.

Alshabaab ayaa gacanta ku haya saddex meelood labo meel inta badan deegaanada Jubbada hoose, waxayna weeraro halis la beegsadaan maleeshiyada Raaskambooni ee ku sugan Afmadoow, Dhoobley iyo Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com