Amaanka qoryooley oo laga shiray

0

Maamulka degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maanta kulan ku saabsan xoojinta amniga la qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, si loo xoojiyo amniga degmada.

Kulanka oo la isku dhaafsaday araah ku aadan xoojinta Nabadgelyada iyo sida looga hortagi karo falalka amni darrada ah ee ay maleegayaan falaagada Al-Shabaab ayaa ugu dambeyntii la isku afgartay in la xoojiyo sugidda ammaanka.

Guddoomiyaha degmada  Qoryooleey  Maxamed  Xaaji  Cusmaan  Shig Shigow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulanka oo qaatay saacado badan la isku raacay xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamulka Degmada, islamarkaana gacan bir ah lagu qabto cidkasta oo nabadgelyo xumo sameyneysa.

Maxamed Xaaji Cusman ayaa shacabka ka codsaday inay ciidamada gacan ku siiyaan adkeynta nabadgelyada, islamarkaan ay hay’adaha amniga ku soo wargeliyaan cidkasta oo ay uga shakiyaan inay waddo falal ka dhan ah nabadgelyadooda, isagoo xusay in ciidamada dhawaan ay la wareegeen meel qiyaastii magaalada u jirta 10-KM oo ay gabaad ka dhiganayeen falaagada Al-Shabaab.

Degmada Qoryooleey oo katirsan gobolka shabelaha hoose waxaa kajira xaalado dhanka nolosha ah oo ay ugu weyntahay iyadoo aanu shaqeyn ispitaalka degmadaasi.