AMISOM Oo Boolis U Diraysa Kismaayo Markii Amaankii Loo Taagwaayay

0

Kismaayo (AGGM) Maanta waxaa magaalada Kismaayo gaaray wafdigan ka socday AU oo ay horkaceeysay kuxigeenta ahna sii hayaha xilka madaxa midowga Afrika arrimaha Soomaaliya gabadha lagu magacaabo Lydia Wanyote.

Horjoogaha 2aad ee Raaskambooni Fartaag iyo hoos joogayaal kale oo ka tirsan Raaskambooni ayay la kulantay.

AMISOM ayaa waxa ay adkeynaysaa  amniga, maamul wanaagga iyo tababarada kala duwan ee la siinayo koox beeleedka Raaskambooni maadaama ay u samaysanyihiin hab maleeshiyo ah, lana doonayo si arrintaas wax looga badelo oo amniga dadweynaha Kismaayo loo damaanad qaado.

Waxaa lagu waddaa in Kismaayo la geeyo ciidamo boolis ah oo ka socda howlgalka midawga Afrika ee AMISOM  maadaama magaalada Kismaayo lagu ugaarsado bulshada, iyo horjoogayaasha Raaskambooni oo qaarkood naftoodii kala cararay magaalada.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com