AMISOM Oo Madaafiic Ku Garaacday Xaafado Kamid Ah Marka

0

Marka (AGGM)  Guutada  Amisom ee fadhigeedu yahay magaalada Marka ayaa xalay madaafiic ku garaacay Xaafadaha Saraha iyo Ruusiyo ee Magaaladaas.

Madaafiic ayaa la sheegay inay yimaadeen kaddibmarkii ciidanka Amisom ay  ka carooday qaraxyo lagula eegtay gudaha Magaalada Marka, iyagoo arrintaas kaga jawaabayay.

Ugu yaraan 9 ruux ayaa ku dhaawacantay inta la ogyahay, waxaana madaafiicdu ay badankood ku dhaceen goobo ay deganyihiin dad rayid ah

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com