Aqoonyahan Yaxye”Si La Isaga Ilaaliyo Eboola Hala Baaro Caafimaadka Ciidamada Galbeedka Afrika Ee Soomaaliya Imaanaya”

0

Muqdisho (AGGM) Aqoonyahan Yaxye Caamir ayaa digniin u jeediyey shacabka Soomaaliyeed inay ka taxadaraan cudurka Eboola oo ka dilaacay wadamo ku yaalla galbeedka Afrika.

Eboola wuxuu si ba’an uga jiraa galbeedka Afrika waxaana jira jira dad badan oo uu soo ritay iyo kuwa u dhintay. Iyadoo wadamada sida ba’an uu uga jiro ay kamidyihiin Gini, Liberia, Iyo Siraliyoon oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Aqoonyahan Yaxye wuxuu aaminsanyahay in haddii cudurkaan oo Soomaaliya soo gaaro aysan Soomaali ilaalsan Karin xuduudaheeda sidaas darteedna ay dhibaato u keeni doonto isku socodka dadka Soomaaliyeed.

Prof Yaxye ayaa ku baaqay in la hubiyo caafimaadka askarta AMISOM ee soo galaysa Soomaaliya

Halkaan ka dhageyso Yaxye Caamir

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com