SAWIRO: Banaanbax ka dhan ah heshiiskii Gobolada Dhexe Oo Cadaado Ka Dhacay

0

Cadaado (AGGM) Cabdi Maxamed Axmed Nuur oo ah Madaxweyne k/ xigeenka maamulka Ximan iyo Xeeb, aya sheegay dadka Cadaado ay maanta ka banana baxeen heshiis uu ku sheegay inaan loo dhameyn.

Dibadbaxa waxaa soo qabanqaabiyey maamulka degmada Cadaado waxaana ujeedkiisu ay ahayn in lagu muujiyo sida aysan Ximin iyo Xeeb raali uga ahayn heshiis shalay ay saxiixdeen maamullada Ahlusuna iyo Galmudug si  Galgaduud iyo Mudug loogu sameeyo hal maamul oo mideysan.

Madaxweyne k/ xigeenka ayaa isla laalay in marnaba qodobbada heshiiska ay quseeyaan maamulkooda. Ximin iyo Xeeb waxa ay ka careysantahay sababta iyaga loo dhinac maray maadaama ay qabanqaabinayeen in magaalada Cadaado ay gogol ugu dhigaan dhinacyada goboladaas degan.

c1 c2 c3 c4 c5 c6 c7 c8 c9 c10 c11 c12 c13 c14 c15 c16 c17 c18

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com