Sawiro: Bastooladoweyne Ninkii Weerarka Madaxtooyada Fududeeyay Oo Dil Lagu Xukumay

0

Muqdisho (AGGM) Ninkii dhawaan fududeeyay weerarkii lagu qaaday madaxtooyada Villa Soomaaliya  Xasan Muxidiin oo lagu naanayso Bastoolado weyne iyo nin kale oo isna ka tirsanaa kooxda Alshabaab  Aadan ayaa waxaa maxkamad Muqdisho ku taalla ay maanta ku riday xukun.

Aadan aya maxkamada ka hor qirtay inuu dilay  19 qof oo uu ku jiray xildhibaan muddadii uu weerarada qarsoodida ah ka gaysanayay Muqdisho.Maxkamada waxay ku riday xabsi daa,in.

Laakiin maxkamada ayaa  Xasan Muxidiin oo lagu naanayso Bastoolado  waxa ay ku riday dil toogasho ah. Taasoo uu macnaheedu yahay in lagu fuliyo dhawaan.

Maxkamada ayaa sidoo kale xukuno waxa ay ku riday rag kale oo ka tirsanaa Al Shabaab.

Xabsiyada Muqdisho waxaa buux dhaafiyey dad loo haysto Shabaabnimo, iyadoo maalin walba ay ciidamadu soo xiraan dad kale duwan oo la tuhunsanyahay.

b1 b2 b3 b4 b5

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com