Cali Dheere” Diyaaradaha AMISOM Waan Soo Ridaynaa”

0

Baraawe (AGGM) Afhayeenka Al-shabaab sheekh Cali Maxamuud Raage Cali Dheeri oo Baraawe kula hadlayay dadweyne isugu soo baxay munaasabada ciida ayaa sheegay inay beegsanayaan diyaaradaha sahayda u sida howlgal AMISOM ee Soomaaliya.

Cali Dheere wuxuu sheegay in markii ay go’doomiyeen AMISOM oo kaliyah ay haatan adeegsato diyaaro cuntada iyo agabka u geeya, kuwasoo uu sheegay inay soo ridanayaan.

Cali Dheere ayaa yiri “Meel walba waan iska hor taagnay” wuxuu ku faanay in ay soo ridaan diyaarad kuwa raashinka qaada ah oo maraysay gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Ceelbuur.

Lama hubo in Alshabaab ay leedahay awooda militari ee dhinaca hawada ah oo ay diyaaradaha AMISOM iyo kuwa kaleba ku beegsan karaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com