Ceelbuur Oo Lagu Dagaalamay

0

Ceelbuur (AGGM)  Warar dheeraad ah oo kasoo baxaayo dagaal maanta ka dhacay degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in halkaasi uu Khasaaro kala duwan kasoo gaaray dhinacyadii dagaalamayay.

Dagaalka oo aad u xooganaa, ayaa waxa uu u dhexeeya ciidamada Ethiopia iyo Al Shabaab waxa ayna isu adeegsanayeen hubka Culculus iyo kan fudfudud oo dhaliyay Khasaro Culus oo soo gaaray ciidamada Ethiopia iyo Alshabaab.

Inta la xaqiijiyay dagaalkaasi oo muddo socday ayaa waxaa ku dhintay 4-ka rirsanaa ciidamada Ethiopia, halka Kooxda Alshabaabna la sheegay inay uga dhinteen 2-Askari.

Dagaalka ayaa waxaa ka warbixiyay Col. Max’ed Kaariye Dhega dheere oo ka mid ah Saraakiisha dowladda ee gobolka Galgaduud, waxa uuna sheegay in inta uu dagaalka socday dileen Ciidamo ka tirsanaa Alshabaab, waxa uuna tilmaamay in dagaal Xoogan ay la qaateen Kooxda, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray in khasaaro xoog leh ay gaarsiiyeen dagaalamayaashii Al Shabaab ee ay ku weerareen deegaanno Ceelbuur duleedka kaga aadan.

“Ciidamada Ethiopia waxa ay isku fidiyeen deegaanada duleedka ka xiga degmada Ceelbuur , weyna baacsadeen Nabadiidka Al Shabaab” sidaasi waxaa yiri Korneel Dhega dheere.

Dhanka kale Sarkaalka ayaa waxa uu ku goodiyay in dagaalka uu sii socon doono inta laga saarayo Alshabaab goobaha ay ka joogaan gobolka Galgaduud.

Degmada Ceelbuur ayaa ka mid ah deeganada gacan ku heyntooda lagala wareegay dhaq dhaqaaqa Al Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com