Ciidamo katirsan Puntland oo shil gaari wax ku noqday

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, ayaa waxa ay sheegayaan in gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland uu ku gadoomay Magaaladaasi.

Gaari ayaa waxaa la socday ciidamo gaarayaa ilaa 15-askari, waxaana intooda badan halkaasi kasoo gaaray Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah markii uu gariga gadoomay, sida ay xaqiijiyeen dadka Garoowe ku sugan.

11-Askari ayaa dhaawacantay halka labo kalena ay halkaasi ku geeriyoodeen, sida uu xaqiijiyay Agaasimaha Isbitaalka Garoowe Cabdi Samad Cali Jaamac oo la hadlay Warbaahinta.

11-Askari ayaa hada xaaladooda caafimaad waxaa lagu dabiibayaa Isbitaalka, kuwaasi oo xaaladooda caafimaad ay tahay mid yara wanaagsan, kadib markii dabiib loo sameeyay.

Rogmashada gaariga ayaa waxa ay ka dambeysay, markii baabuurkan oo xoog ku socday ay u baxday lug kamid ah lugaha uu gaariga ku ordaye, waxaana taasi ay keentay inuu rogmado baabuurka.

Baabuurka ayaa ku rogmaday afaafka hore ee xarunta UNKA ee Magaalada Garoowe, xilli la sheegay inuu ku socday goob ay ku sugnaayeen ciidamada oo Koontarool aheyd