Dhageyso: Cirfo” Maanta Reer Caabudwaaq Waxaa Talo Uga Baahan Inta Nool Sidii Ay U badbaadin Lahaayeen”

0

Dhuusamareeb (AGGM) Guddoomiyaha gobolka Galgaduud ee dowlada soomaaliya Xuseen Cali Wehliyo (Cirfo) ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay colaada beelaha walaalaha ah ku dhexmartay degmada Caabudwaaq.

Guddoomiyaha ayaa tacsi u diray ehelada inta ku dhimatay colaadaas, isagoo wax fool xun ku tilmaamay shacabka magaaladaas lagu dhex dagaalamo xiligan oo xaalado adag ka jiraan gobolka guud ahaan.

Guddoomiye Cirfo ayaa yiri ” Maanta Reer Caabudwaaq Waxaa Talo Uga Baahan Inta Nool Sidii Ay U badbaadin Lahaayeen”

Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in dhalinyarada dagaaladaas ku lugta leh loo caqli celiyo, si aysan mar kale u dhicin colaad noocaas oo kale ah.

Halkaan ka dhageyso Guddoomiyaha gobolka Galgaduud ee dowlada soomaaliya Xuseen Cali Wehliyo (Cirfo)

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com