Daawo: Australia Oo Lagu Eedeeyay Inay Gubtay Muhaajiriin Ay Kamid Yihiin Soomaali

0

Melbourne(AGGM ) Illaalada xeebaha Australia ayaa lagu eedeeyay inay gacmaha ka gubeen afar qof oo muhaajiriin ah oo ay ku jiraan labo oo Soomaali ah.

Dadkan ayaa kamid ahaa koox muhaajiriin ah oo ciidamada waydiistay badbaado balse kala kulmay arrin la la yaab leh.

Ciidamadii u soo gurmaday ayaa kula dhaqmay si ka baxsan bina’aadanimada, iyadoo u diiday inay isticmaalaan musqusha, kuna qasbay inay istaagaan qoraxda oo aad u kululeyd.

Caddeymo la xiriira sheegashooyinkaas ayaa hadda isa soo taraya kaddib markii gabar iyo wiilal Soomaaliyeed ay u suurta gashay in ay duubaan sida ay wax u dhaceen.

Halkaan ka daawo muuqaalka arrintaas naxdinta leh

http://www.youtube.com/watch?v=F3-5Mqs4XGc

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com