Daawo: Heeskii Caanka Ahaa Ee “Guuleed Ma Joogaa?” Oo Fasiraad Qalad Ah Laga Bixiyay!! W/Q. Daahir F. Afdheere

0

Heeska caanka ah ee Guuleed ma joogaa? Waxaa ku luqeeyo Fannaanka caanka ah ee Xasan Aadan Samatar waxaanna ay kamid tahay heesaha loogu jacel yahay heesaha Soomaalida, taasoo ku dhisan Murti waafi ah iyo erayo culus oo xambaarsan Af-Soomaali mug leh. Waxaa dad fara badan ay Heeskaan aad ugu xusuustaan Buuggii Suugaanta ee dugsiga dhexe, taasoo dad badan mireheeda ay aad u wada yaqaannaan.

Eebbe naxariistii Janno haka waraabiyee Abwaan Cabdiqaadir Xirsi Siyaad (Yam-yam) oo Murtida hiddo iyo hibo labadaba u lahaa ayay maskaxdiisa ka soo maaxatey, hase-yeeshee Muusigga iyo Laxankaba waxaa qaabeeyey Mullaxan Cabdikiriin Faarax Jiir.

Waa tan hoose ee dhageyso heestii Guuleed ma joogaa:

Waxaa haddaba Abwaan Yam-yam waqtigii uu noolaa uu Sharaxaad dheer ka bixiyey micnaha ballaaran iyo nuxurka uu heesku xambaarsan yahay, taasoo qof walba oo maalinkaas dhegeysanayey Abwaan Yam-yam uu aad ula dhacey maqsuudna ka noqdey. Waxaa Sidoo kale in la xuso mudan in sharaxaaddaas kadib Abwaanku uu aad ugu dhiiradey oo dadweynaha ka codsadey in cid allaale oo dooneysa in ay su’aal ka weydiiso uu diyaar u yahay.

Waxaa wax aad loola yaaba ah ninka magaciisa ku sheegey Cabdi Good uu inta soo fadhiisto Idaacad Caalami ah oo la iska arko, haddana fasiraad khaldan dadweynaha waqtigaan ka dhaadhicinayo. Mr. Cabdi Good muxuu fasiraaadiisaan khaldan ugu aadin waayey markii Yam-yam noolaa oo uu lahaa yaa su’aal iga weydiinaya? Waxaa kaloo in la isweydiiyo mudan malaayiinka heesood ee jira sababta uu oga doortey inuu fasiraad khaldan ka bixiyo suugaanta Abwaan Yam-yam oo ah Marxuum naga hooseeyo?

Burburka ku habsadey dalka iyo dadka Soomaaliya waxaa uu bulshada ku yeeshey saameyn nooc walba ah, sidaa awgeed ayaa waxaa daad-wararac iska noqdey xadgudubyada la isugu geysto dhinaca Suugaanta, kuwaasoo haddana loo adeegsanayo Saxaafad hawtul-hammag ah oo lagu tumanayo xeerarkey lahayd, sida tan maanta ee Somalichanel TV iyo Cabdi Good, sidaa awgeed ayaa waxaa la oran karaa Somali-chanel iyo Cabdi Good waxaa ay isku dayeen ama haweystaan in ay sacabbada ku celiyaan Suugaanta Abwaan Yam-yam oo ah biyo durdur ah oo aan marnaba go’i karin.

Ugu dambeyn Mr. Cabdi Good waxaan kugala talinayaa haddii uu yahay xeel-dheere dhinaca Suugaanta ah ha isku dayo inuu bulshada u sheego waxa fiican ee ka anfaca aqoonta uu leeyahay suugaanta! Waaba haddii uu leeyahaye! laakiin yaanu marnaba isku deyin inuu si khaldan u fasiro Suugaantii Abwaan Yam-yam ee lamidka ah sidii dhool guyoo da’ay.

Iminkana Video-ga hoose ka daawo sida fasiraadda qaladka ah looga bixiyay heestii Guuleed ma joogaa:

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com