Daawo: Jaaliyadda Beesha SADE Ee Dalka Sweden Oo Qaaq Nabadeed U Diray Dhinacyada Ku Dagaalamaya Magaalada CAABUDWAAQ.

0

Stockholm, AGGM: Waxaa isa soo taraya baaqyada nabadeed ee loo dirayo beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya magaalada Cabudwaaq kuwaasi oo kala ah Wagardhac iyo  Celi. Iyaddoo dagaalkaasi uu galaaftay nolosha 10 qof, halka uu dhaawac uu gaarsiiyey in ka badan 20 qof.

Jaaliyada beesha Sade  ayaa codkooda ku biiriyey  baaqyada nabad raadinta iyo xabad joojinta ah ee loo dirayo dhinacyada dagaalka uu dhexmaray ee wada jooga Cabudwaaq. Waxaana ay u sheegeen inaysan dagaal waxba faa’iido ugu jirin balse uu khasaaro iyo dhib un laga dhaxlo.

Dadkan ayaa sheegay inaysan wax lagu farxo aheyn in bil ramadaan dagaalamaan dad wada dhashay oo  halkii ay isku garab noqon lahaayeen dagaal iskula soo guryo noqday.

Haddaba hadalka Jaaliyada Sade ee Swedan kuna aadan dagaalka Cabudwaaq halkan hoose ka daawo. 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com