Daawo Muuqaal Sir Ah: Nin Soomaali Ah Oo Itoopiya Ugu Yaboohaya In Ay Qabsato Xeebaha Iyo Kheyraadka Dihan Ee Dalkeena

0

(AGGM)  Sida aad ka fahmi karto muuqaalkaan la rumeysanyahay in si sir ah loo duubay, waxaa qofka Englishka ku hadlaya oo u muuqdo inuu yahay qof Soomaali uu ugu yaboohayaan in Itoopiya ay qabto kheyraadka dihan ee Soomaaliya.

Qofkaan oo aysan AGGM u suurtagelin in aanu aqoonsano ayaa waxaa uu leeyahay “ Soomaali waa 9 Milyan, Itoopiyana waa 90 Milyan, Maxaa diidaya in kheyraadka badaha iyo macdanta dalka SOomaaliya ku jirto ay Itoopiyo qabto”

Ninkaan ayaa si cad ugu yaboohaya arrintaas kulan aanu filayno inay qabsadeen dad u badan Itoopiyaan maadaama uu ku hadlayo luuqada Englishka.

AGGM waxay aad ula fajacday ma naxayaasha diirlaawayaasha ah ee doonaya in ay dalkoodu waxyar ku iibiyaan, iyadoo loo baahanyahay in umada Soomaaliyeed ay arrimahaas oo kale ka fajignaadaan.

Halkaan ka daawo muuqaalkaan

https://www.youtube.com/watch?v=Ee6duSRC1qM 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com