Sawiro: Beesha Sade Bari Oo Eedayn Kulul U Jeedisay Hoggaanka Sare ee Dowladda FS.

0

Muqdisho, AGGM:Kulan ay maanta isugu yimaadeen Hal-doorka dhaqanka beesha Sade oo Muqdisho ka dhacay ayey uga arrin-sadeen qaabka ay dowladda Federaalka ee Soomaaliya u wajahday qorshaha maamul-u-sameynta ee gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Ugaasyo, Siyaasiyiin, Nabaddoonno, Waxgarad, iyo dhallinyaro kasoo jeeda beesha Sade ayaa dood ka yeeshay hoggaanka sare ee dowladdu wadiiqada ay u marayaan dhismaha maamul loo dhanyahay oo yeesho deegaannada bartaha Soomaaliya, waxaana ay soo jeediyen in Xukuumaddu samayso hab caddaalad ku dhisman oo fursad siinaya dadka deegaanka oo dhan inay danahooda ka tashadaan si maamulka la samaynayo u noqdo mid loo dhanyahay.

Nabadoon C/salaan Barre oo gunaanadkii shirka akhriyay bayaan kasoo baxay Beesha Sade ayaa hoosta ka xariiqay guddiga ay Xukuumaddu samaysay inay kusoo xuleen eex iyo nin jeclaysi, wuxuuna xusay dadka dagan qeybo kamid ah gobollada dhexe ee uu ku hadlayo Magacooda inaysan aqbali doonin qorshe walba oo guddigaasi soo saaro ilaa inta ay noqonayaan kuwa ay dadka deegaanka oo dhan iska arkaan.

‘’Dowladda waxaan ugu baaqayaa in ay joojiso waxyaabaha dhalin kara colaada iyo iska horkeenka dadka wadadaga Gobollada dhexe, waxaan u sheegayaa Madaxda Dowladda in dadka degan Waqooyiga Galgaduud iyo qeybo kamid ah Mudug ay diideen damaciina guracan ee ka muuqdo eexda iyo nin jeclaysiga, dadka aan matalno waxay diyaar u yihiin inay dahanooda ka tashadaan isla markaana ay wax la qeybsadaan cid walba oo xaqooda ay si cadaalad ah uga helayaan, taas micnaheedu maahan in dowladda dhexe kaliya go’aan ka gaarto masiirka dadkeenna, waxaana dib ugu noqon doonaa deeganada aan matalno waxayno soo saari doonaan go’aan cad oo ku aadan masiirkooda waqti dhan haddii Xukuumaddu aysan go’aan kale ka qaadan arrintan. Ayuu yiri Nabadoon C/salaan Barre.

Guddoomiyaha degmada Dhabad Aaden Gabi oo dhankiisa hadlay ayaa sheegay maamulka loo samaynayo gobollada dhexe in ay kasoo horjeedaan taasoo uu ku micneyay in dadka deegaanadaas wada dagan ay marka hore u baahanyihiin dib-u-heshiisiin ka hor inta aan la guda gelin dhimaha maamul ay dadku leeyihiin, wuxuuna ugu baaqay Madaxda Dowladda in ay joojiyaan iska horkeenka Bulshada iyo colaad hor leh.

Ugu dambeynta, Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle oo shirka soo xiray ayaa sheegay wadaxaajood loo dhanyahay iyo wadahadal nabadeed inuu yahay wadada kaliya ee xal waara loogu heli karo khilaafka ka taagan gobollada dhexe ee Soomaaliya, isagoo tilmaamay inuu ayidsanyahay go’aanka ay beeshu kasoo saartay arrinta la xiriirta maamulka gobollada dhexe.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa wada qorshe maamul loogu samaynayo deeganada gobollada dhexe, waxaana Muqdisho ku sugan guddiyo matalaya qaar kamid ah maamullada ka jira bartaha Soomaaliya iyadoo beelaha qaar sheegayaan in hal dhinac wax laga weydiinayo aayaha dambe ee gobollada dhexe.

20140722_134024 20140722_133810 20140722_133452 20140722_133440 20140722_133428 20140722_132342 20140722_132339 20140722_132335 20140722_132302 20140722_132236 20140722_134337

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com