Daawo Video: Kulan looga hadlayey dilkii Saado Cali, RW Farmaajo & Amin Caamir Oo ka Qeyb galay (Maxaa Laga Sheegay)

0

Allaha u naxriistii waxaa munaasabad Baroor-diiq ah Magaalada The Hague, ee wadanka Netherlands, loogu sameeyay Saado Cali Warsame, oo aheyd fanaanad weyn oo gayiga Soomaaliya caan ka ah, kana tirsaneyd Baarlamaanka Soomaaliya, oo ay kooxo hubeysan 23-july-2014, ku dileen Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Munaasabadaan oo ay si wada jir ah usoo qaban qaabiyeen Somali News Tv iyo Universal Tv, Xafiisyadooda dalka Netherlands, ayaa waxaa kasoo qeyb galay, Culimo-udiin, Fanaaniin, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Madaxda Hormuudka u ah Jaaliyada Soomaalida dalka Netherlands, iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada ku dhaqan wadanka Holland, iyadoona dhinaca isgaarsiinta ay Munaasabada kaga qeyb galeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo iyo Farshaxaniiste Amiin Caamir Maxamed. Waxaana hadalka qeybta hore u qeybinayey dadweynaha wariye Shaadiya Muxumed Abdi.