Daawo:Dalal Cilmi Cismaan Oo Si Adag Uga Hadlay DAGAALKA Caabudwaaq Islamarkaana Baaq Nabadeed U Diray Dhinacyada Diriraya.

0

Helsiniki, AGGM: Dalal Cilmi Cismaan oo muuqaal soconaya sagaal daqiiqo soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook ayaa waxaa uu uga hadlay dagaalkii 23 bishan ka dhacay magaalada Cabudwaaq kaasi oo u dhexeeyey Wagardhac iyo Celi.

Waxaana uu ku tilmaamay dagaalkaasi mid ayaan-daro ah oo aan marna loo fadhiyin inuu ka dhex bilowdo dad walaalo ah oo wada deggan magaalada Cabudwaaq, oo uu ku sheegay inay astaan u ahey nabada ku noolaanshaha.

Isagoona ku baaqay in degdeg loo joojiyo colaadaasi islamarkaana labada dhinac ay qaataan labada loogu baaqayo, iyaddoo dadka deggan magaalada Cabudwaaq uu dhankooda ugu yeeray inay u istaagaan kala dhexgelida dadka walaalaha ah ee dagaalamaya.

Dhallinyarada hubka la isugu dhiibay ayuu sidoo kale u sheegay inaysan xaabo u noqon dagaalo sokeeye oo naftooda lagu halaagayo, waxaase uu taasi badelkeeda ka dalbaday inay nabada ka shaqeeyaan oo ay dhowraan xasiloonida deegaanka.

Hadalka Dalal Cilmi Cismaan oo ahaa mid dhinacyo badan taabanaya waxaad ka daawan kartan halkan hoose. Waxaana uu Dalal qeyb ka noqday madaxda iyo shaqsiyaadka ka damqaday dagaalka sokeeye ee ka curtay magaalada Cabudwaaq.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com