Dabaaldaga Ciidda Ee Maalintii 1-aad Galgaduud

0

Caabudwaaq(AGGM) Maanta oo ah maalin talaado ah ayaa waxaa ciida markii ugu horeysay looga dabaalgadayaa magaalooyinka Caabudwaaq, Dhuusamareeb, Xeraale iyo Guriceel.

Shacabka ayaa saaka si aan look ala harin ugu dareeray barxadaha iyo masaajida magaalooyinkaas, iyadoo ay masuuliyiinta Ahlusuna si rasmi ah u shaaciyeen in maanta ay tahay maalinta koobaad ee ciida.

Inkastoo shalay inta badan gobolada Soomaaliya iyo caalamkaba laga oogay maalinta ciida ah ayaa waxaa maanta umadda degan Galgaduud laga dareemaayaa farxada ciida iyo dabaaldegyo waawayn oo ay samaynaayeen iyagoo is booqanaya, isuguna marxabaynaya maalinta ciida darted.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com