Dagaal xalay Gilgilay Duleedka Kismaayo

0

Kismaayo (AGGM) Meel dhinaca duleed kaga began magaalada Kismaayo ayaa waxaa xalay ka dhacay dagaal xoogan oo jugtiisa laga maqlayay xaafado ka tirsan magaalada Kismaayo. Ugu yaraan 6 maleeshiyada dagaalamayay ayaa la rumeysanyahay in halkaas ku dhinteen.

Iska horimaadkan ayaa bilowday kadib markii koox ka tirsan Alshabaab ay weerar culus ku qaaday goob ay ku sugnaayeen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, waxaana halkaasi ka bilowday Dagaal ku dhawaad socday Hal saac iyo bar.

Dhanacyada dagaalamaayay ayaa waxa ay isku adeegsanayeen Hubka culculus, waxa ayna wararku sheegayaan in Hubka qaar ay ku dhacayeen deegaano ay ku noolayeen dad reer guuraa ahaa.

Dhanka kale, Dagaalka noocaani ah ee ka dhaca duleedka Kismaayo ayaa noqonaaya mid maalmahaani soo laa-laabto, mana jiro cid ka hadashay Dagaalka illaa iyo hadda. Alshabaab ayaa wiiqay awooda maleeshiyada naf la caariga ah ee Raaskambooni, waxaana muuqanaysa isku kalsooni la’aan iyo habacsanaan weyn oo ka dhex jirta maleeshiyadaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com