Dawladda Kenya “ Waxaan Qabanay Al-shabaab”

0

Nairobi (AGGM) Koox la tuhunsanyahay inay ka dambeeyeen weeraradii Westgate Mall iyo Mpektoni ayaa lagu soo waramayaa in lagu qabtay Kenya gaar ahaan gobolka waqooyiga ee Soomaaliya dariska la ah.

Raggan la qabtay ayaa waxa ay kala yihiin Nuur Guduud iyo Axmed Maxamed, Booliska ayaa aaminsan inay da’doodu ay gaarayso ilaa 40 sano.

Wargaysaka The Star ayaa sheegay in raggan ay xiriir la sameeyeen madaxda Alshabaab min labo jeer.Iyagoo doonayay in maalintii  khamiistii ka gudbaan xuduuda Kenya Iyo Soomaaliya ayaana la qabtay.

Weerarkii Westage wuxuu dhacay 21kii september waxaana ku dhintay inkabadan 64 qof oo badankood ay ahaayeen dadkii ka dukaamaysanayay dhismahaas ganacsi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com