Deegaan Uu U Dhashay Iftiin Xasan Baasto Oo La Weeraray

0

Muqdisho (AGGM) Horjoogaha ay Raaskambooni ku magacawday madaxa howlgalka lidka Alshabaab Iftiin Xasan Baasto ayaa sheegay inay weerareen deegaan lagu magacaabo Cabdi Dhoore oo 48 Km dhinaca waqooyi uga beegan Kismaayo .

Dagaalka ayaa la aaminsanyahay inay ku dhinteen inkabadan 15 dagaalyahan oo ay kamid yihiin Raaskambooni iyo Alshabaab.

Nasiib daro deegaankaan oo horey ay ula wareegeen koox beeleedka Raaskambooni ayay xagsan waayeen, waxaana maanta u qabtay ciidamada kenya balse lama hubo in ay gacantooda ku sii nagaan doonto iyo inkale.

Alshabaab ayaa go’doomisay Raaskambooni, waxayna oo kaliyah xukumaan xarumaha ay ka deganyihiin Kismaayo iyadoo qeybo badan oo kamid ah magaalada aysan mari Karin.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com