Deg Deg : Ciidamo Kala dhexgalay Colaadii Caabudwaaq Iyo Dadaaladii Nabada Oo Sii Ballaartay

0

Caabudwaaq (AGGM) Warar goor dhaw naga soo gaaray degmada Caabudwaaq ee ay shalay ku dagaalameen labo jifo oo walaalo ah ayaa sheegaya inciidamo ka tirsan guutada xoogga dalka ee xerrada 21naad ay kala dhexgaleen labada ciidan ee dagaalka isaga horyimid.

Dadaaladan oo horsed ka yihiin waxgaradka beelaha dagaalamay iyo ehelka kale ee degmada degan ayaa ugu dambayntii guul ku dhamaaday, waxaana haatan la bilaabayaa dib u heshiisiin dhinacyada loo samaynayo.

AGGM waxaa si isdabajoog ah u soo gaaraya baaqyada iyo qoraalada ku aadan sida loogu baahanyahay in wiil kale uusan ku dhiman colaad micne daro ah oo dhexmarta labada ehel ee dagaalamay. Waxaana aanu ku baaqaynaa in si loo xoojiyo dadaalada nabada iyo qaboojinta xiisadaas aad dhinacaaga kaga qeybqaadato meel walba oo aad joogto adin iyo hadalba.

Wixii soo kordha waanu idiin soo gudbin doonaa

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com