Deg Deg: Dagaal Ka Socda Kismaayo

0

Kismaayo (AGGM) AGGM waxaa soo garaya warar sheegaya in goor dhaw dagaal uu ka qarxay magaalada Kismaayo, dagaalkaas oo la soo sheegayo inuu yahay mid  aad u culus.

Dagaalka wuxuu u dhaxeeyaa Maleeshiyada Raaskambooni iyo Alshabaab, waxaana la soo sheegayaa in sida caadada ah ay dagaal ku caawinayaan maleeshiyada Raaskambooni ciidamo ka tirsan kuwa Kenya.

Al shabaab ayaa weerarka ku soo qaaday goob ay deganaayeen maleeshiyada raaskambooni iyo saaxiibadood oo ku taalla duleedka magaalada. Balse waxaa qeybo badan oo kamid ah magaalada laga maqlayaa jugta hubka culus ee la isku adeegsanayo.

Ma cadda qasaaraha halkaasi ka dhashay balse AGGM waxay isha ku haysaa dagaalkaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com