Deg Deg: Madaxweynaha Soomaaliya oo ku wajahan Saacadaha Soo Socda Gobolka Gedo

0

Garbahaareey (AGGM): Warar aan goor dhaw ka kala helnay Muqdisho iyo Garbahaareey ayaa noo xaqiijiyey in Xasan Sheikh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi ballaaran oo uu horkacayo ay ku sii jeedaan  caasimada gobolka Gedo ee Garbahaareey, halkaasoo saaka si weyn loogu diyaargaroobay soo dhaweynta madaxweynaha.

Wafdiga  ayaa waxaa kamid ah wasiiro,xildhibaano iyo Saraakiil ciidan iyo howlgalka AMISOM waxaana la sheegay in socdaalkaas uu yahay kii ugu horeey oo uu madaxweynaha ku tago gobolka Gedo oo ah gobol kaalin weyn ku leh hanaqaadka nidaamka dawladnimo ee Soomaaliya.

Gobolka Gedo ayaa waxaa xusid mudan in laga soo dhaweeyo, lagana jecelyahay dawladnimo, walaaltinimo iyo wax wada qabsi.

Safarka madaxweynaha ayaa ujeedkiisa lagu macneeyay sidii uu ugu kuur geli lahaa xaalada gobolka iyo in horey loo sii dhaqaajiyo dagaalada lidka ku ah Alshabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com