DEG DEG:-Qarax khasaaro geestay oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo

0

Hal askari, ayaa dhintay mid kalana waa uu ku dhaawacmay, kadib markii xalay qarax Ciidanka Puntland lagula eegtay Check Point ay ku lee yihiin Xaafada Garsoor ee Waqooyiga Magaalada Galkacyo.

Qaraxa oo loo adeegsaday bambada nooca gacanta laga gano, ayaa lagu weeraray Ciidamada Booliska ee Puntland, xilli ay ku guda jirayn hawlo ay ku suggayaan ammaanka Magaalada.

Mid ka mid ah askartii ku sugneyd kontoroolka, ayaa waxaa la soo sheegayaa inuu dhintay, iyadoo mid kalana la xaqiijiyay inuu ku dhaawacmay, inkastoo ay jiraan warar sheegaaya in tirada askarta dhimatay ay laba askari tahay.

Ciidanka, ayaa qaraxa kadib waxay furayn rasaas, walow aysan cidina wax ku noqon, isla-markaana hawlgalo laga sameeyay Waqooyiga Galkacyo, ayaa waxaa la soo sheegayaa in dad la tuhunsan yahay lagu soo qab qabtay.

Saraakiisha Ciidanka ee Waqooyiga Galkacyo, ayaan ka hadlin waxyeelada askartoodu ka soo gaartay qaraxaasi iyo dadkii kale, ee la sheegay in loo soo qab qabtay.

Dadka degan Waqooyiga Galkacyo, ayaa walaac ka muujiyay qaraxa ka dhanka ah Ciidamada Booliska, sidoo kalana waxay saakay hadalhayaan qaraxaasi.

Waxa uu qaraxaan ku soo aadayaa, xilli toddobaadyadii ugu dambeysay ay Puntland xoojisay ammaanka Waqooyiga Galkacyo, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaaya suurta galnimada, weeraro kaga yimaada dhinaca Al Shabaab.