Dhageyso: Ahlusuna Oo Ku Kala Qaybsan Heshiiskii Uu Sixiixay Ina Guureeye 

0

Dhuusamareeb (AGGM) AGGM waxaa soo garaya warar iska soo dabadhacaya oo la xiriira in Ahlusuna ay ku kala Jabtay Heshiiskii Gobolada Dhexe ee uu shalay Muqdisho ugu sixiixay Sheikh Ibraahin Guureeye oo ah Gudoomiyaha saddexda Golle ee Ahlusunna.

Guureeye waxaa ka horyimid gudoomiyaha Gudiga Fulinta Ahlusunna Sheikh C/risaaq Cali Yuusuf  Al-ashcari oo shir jiraa’id ku qabtay Guriceel, isagoo sheegay in Guureeye uusan matalin Ahlusunna maadaama sida uu sheegay muddo hore xilka laga qaaday.

Ximin iyo Xeeb oo ah maamul ka jira Cadaado ayaa dhinaceeda ka horjeedsatay heshiiskaasi islamarkaana ku sheegay shirqool la soo maleegay.

Madaxtooyada Villa Soomaaliya waxaa shalay lagu kala saxiixay heshiis madaxda dawlada iyo beesha caalamka ay goobjoog ka ahayd oo lagu macneeyay mid maamul loogu soo dhisayo gobolada dhexe.

Halkaan ka dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com