Dhageyso: Ahmed Godane Oo Shaki La Gelinayo Inuu Noolyahay

0

Baraawe (AGGM) Dawlada Soomaaliya ayaa sheegayso inay baarayso wararka in fiidnimadii caawa la toogtay horjoogihii Al shabaab Ahmed Cabdi Aw Mohamud Ahmed Godane la dilay.

Ma jiraan warar isa soo taraya oo ilaa hadda caddeynaya sugnaanshaha warkaas balse warar aan si rasmi loo faahfaahin oo naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya nin kamid ah ilaalada Godane oo u gaystay toogasho.

Ma cadda in Godane uu dhaawacyahay iyo inkale, balse falkaan ayaala rumeysanyahay inuu ka dhacay nawaaxiga Baraawe.

Warar kale ayaa sheegayo in weerar aan la ogeyn cid qaaday, oo xittaa laga yaabo inay dhici karto inay ku lugleeyihiin ciidamo reer Galbeed ah.

AGGM waxay ku howlantahay inay faahfaahin buuxda keeno.

Halkaan ka dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com