DHAGEYSO:- Al-Shabaab oo Haweenay ku toogtay fagaaro ku yaala gobalka Baay

0

Fageero ku yaala degmada Diinsoor ee gobalka Baay ayaa Al-Shabaab waxay ku toogteen haweenay magaceeda lagu sheegay Farxiyo Cabdinaasir oo maxkamada Al-Shabaab ay sheegtay inay ka tirsaneed sirdoonka dowlada federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha maxkamada Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqay xukunka ka dib markii uu sheegay in mudo ah maxkamadu inay waday baaritaan.

Al-Shabaab ayaa deegaanada ay ka arimiyaan waxaa ka dhaca xukuno nuucaan oo kale ah oo lagu fuliyo shaqsiyaadka xiriirka la leh dowlada xili Al-Shabaab ay dagaal kula jiraan ciidamada dowlada iyo kuwa AMSIOM.