Dhageyso: Alshabaab Oo Haweenay U Dilay Xirashada Xijaab

0

Hoosingow(AGGM) Dhacdada naxdinta leh ayaa waxa ay ka dhacday deegaan lagu magacaabo Hoosingoow oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose. Waxayna ku dhacday haweenay Soomaali ah oo lagu magacaabo Raaliyo Faarax Yaroow oo 50 sano jir ah. 

Raaliyo waxaa sida ay sheegeen ehelkeeda lagu dilay banaanka gurigeeda oo ahaa mudul. Alshabaab ayaa horey ugu amarta Ruqiya inay xirato xijaabka.

Afhayeen u hadlay Alshabaab oo arrintaan wax laga waydiiyey waa uu iska fogeeyay inay ku lug leeyihiin, isagoo sheegay inaysan Alshabaab ka talin waqti xaadirkaan deegaanka Hoosingoow. Balse eheladeeda ayaa farta ku fiiqaya Alshabaab.

Ma dhicin in Alshabaab ay qof dumar ah u dilaan xijaab balse dhacdadan ayaa noqonaysa mid la yaab leh haddiiba la xaqiijiyo inay jirto.

Badanaa Alshabaab ayaa dadka galaya dambiyada yar yar waxay ku xukumaan karbaash sida waxyaabaha ay ugu yeeraan caariyaadka, timaha fooda leh, surwaalka dhulka lagu jiido, labiska reer galbeedka ama dharka qofka ku dhagan iyo waxyaabo kale oo lamid ah.

Halkaan Ka Dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com