Dhageyso: Amaanka Kismaayo Oo Faraha Ka Baxay Qaraxyo Iyo Guryaha Oo La Iskala Baxayo

0

Kismaayo (AGGM) Xaalada amaan ee magaalada Kismaayo ayaa maalinba maalinta ka dambeysa sii xumaanaya, iyadoo xalay halkaas uu ka dhacay qarax xoogan, inkastoo aysan jirin cid wax ku noqotay.

Wararka aanu ka helayno isla Kismaayo ayaa sidoo kale sheegaya in xalay ay jireen dad shacab ah oo guryahooda ay kala baxeen maleeshiyada Raaskambooni.

Maleeshiyada Raaskambooni ayaa muddooyin dambe dejinayso qidado cusub oo ay doonayso inay hubka kaga qaado beel kamid ah beelaha Jubbooyinka waa beesha SADE, iyadoo la soo sheegayo in dadka inta guryahooda loogu dhaco laga qaadanayo hubka ay naftooda ku difaacayaan maadaama uusan amaan ka jirin magaalada Kismaayo.

Halkaan ka dhageyso warbixin xaalada dhabta ah ee Kismaayo ka jirta

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com