Dhageyso: Axmed Madoobe Oo La Soo Baxay Arrin Cusub Oo Ku Shaxaad Doonto

0

Kismaayo (AGGM) Iyadoo wafdi ka socday Midowga Yurub oo uu hogaaminayo danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mudane Michele Cervone ay maanta gaareen magaalada Kismaayo, ayaa waxaa shirarkaas naga soo gaaraya arrimo cusub.

Horjoogaha caalwaaga ah ee Raaskambooni ayaa lagu soo waramayaa in mudadii ay socdeen shirarkaas uu madaxdii reer yurup ka dalbaday in dhaqaalle lagu siiyo sidii uu dhalinyarada uga soo xareyn lahaa Alshabaab, taasoo ah farsamo cusub oo uu dhaqaale uga raadsanayo wadamada reer Yurup.

Axmed Madoobe oo ah horjooge horey dhalinyarada ugu biirin jiray Alshabaab, isagoo Jihaad been abuur ah ugu yeeri jiray ayaa maanta madaxdii hortooda lacag uga dalbaday in uu dhalinyarada Alshabaab ka soo saaro.

Su’aallaha ay dad badan oo Soomaaliyeed iyo umada Jubbooyinka iswaydiinayaan ayaa waxaa kamid ah, iyadoo Axmed Madoobe iyo kooxdiisa Raaskambooni ay dhalinyarada Soomaaliyeed ee deegaanka u ah Kismaayo maalin walba ku qasbaan inay Alshabaab ku biiraan kaddib cadaadis iyo cagojugleyn ay ku hayaan in ay maanta Midawga reer Yurup ku baryaan in gacan laga siiyo soo xareynta dhalinyarada kamidka ah Alshabaab.

Arrintaas ayaa waxaa loo caddeynayaa Midawga Yurup in ay tahay mashruuc lagu doonanayo dhaqaalle lagu barakiciyo umadda deegaankaas degan balse aysan ahayn mid dhabka ah kooxda Raaskambooni, haddii ay dhab ka tahayna loo baahanyahay in ay joojiyaan waxyaabaha dhalinyarada ku qasba in ay Alshabaab ku biiraan.

Halkaan ka dhageyso adiggaa Yaabi doonee

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com